Soomaalida Mareykanka oo gargaar bani'aadannimo u uruurinayo Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Mareykanka oo gargaar bani'aadannimo u uruurinayo Soomaaliya

Qaybo ka mid ah gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka wali waxaa ka soconaya howlo gurmad ah oo gargaar loogu fidinayo dadka gudaha Soomaaliya ay abaaruhu ku saameeyeen.

Magaalada St Pauls, boqolaal qof oo isugu jira Somali iyo caddaanka ah ayaa ku howlan bacaynta raashin nafaqeysan oo la doonayo in laga qeybiyo gudaha Soomaaliya.

Soomaalida arrintaa ka qayb-qaadaneysa waxaa ka mid ah qoyska Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota, waxaana goobta raashinka lagu xir-xirayay kula kulmay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine oo iyada iyo qoyskeeda iyo xubno kale oo ka tirsan Soomaalida halkaasi deggan wareystay.