Booliska UK oo magacaabay labo ka mid ah raggii geystay weerarkii London

LONDON ATTACK Lahaanshaha sawirka MET POLICE

Labo ka mid ah ragii weerarka ka gaystay magaaladda London ayay boolisku aqoonsadeen oo magacyadooda la sheegay .

Khguram Butt oo 27 jir ah una dhashay Pakistan kuna noolaa London ayay boolisku sheegeen inay garanayeen.

Ninka kale ayaa isagana lagu sheegay magaciisa Rachid Redouane. Waana 30 jir.

Ragan ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana sidoo kale la sii daayay 12 qof oo dhacdadaasi looga shakisanaa.

Ragan weerarka gaystay ayaa gaari jiirsiiyay dadka waxayna markii dambe toori la dhaceen dhowr qof.

36 qof oo dhaawac ah aya aisbitaalada ku jirra. 18 ka mid ah dadkana xaalkoodu wuu liitaa.

Weerarkan ayaa sidoo kale saameeyey doorashada dalkaasi ka dhici doonta.

Iyadoo siyaasiyiintuna ay eedaymo isujeediyeen ka dib weerarkan oo noqday mid si weyn loo hayo.