Midawga Yurub oo 50 milyan oo Yuuro siinaya ciidammo Afrikaan ah

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqday ciidammada ku sugan Maali Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha cusub ee Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqday ciidammada ku sugan Maali

Midawga Yurub ayaa ku heshiiyay in ay 50 milyan oo Yuuro siiyaan ciidammo Afrikaan ah oo isku dhaf ah oo ku sugan gobolka Saaxil.

Ciidammadan ayaa ka kala socda Mauritania, Mali, Chad, Burkina Faso iyo Niger waxaana loo yaqaannaa Sahel G-5.

Hadafkooda u wayn wuxuu noqon doonaa in ay la dagaalamaan kooxaha jihaaddoonka ah iyo in ay wax ka qabtaan shabakadaha wax tahriibiya iyo tahriibeyaasha sharcidarrada ah.

Gobolka Saaxil ayaa hoy u ah kooxo badan oo jihaad doon ah, qaar kooxda waxay ku xiran yihiin Al-Qaacida.

In kabadan 3,000 oo askari oo ka mid ah ciidammada Faransiiska iyo 12,000 oo ka mid ah ciidammada Qaramada Midoobay ayaa hawlgallo ka waday Mali tan iyo sannadkii 2013kii, ka dib markii kooxaha jihaad doonka ah iyo malayshiyada Tuareg ay jabhadayn ka billaabeen waqooyiga dalkaas.

Malayshiyaadka ayaa la iska caabiyay balse wali waxay sii wadaan weerarro ay ku bartilmaameed sadaan ciidammada nabad ilaalinta ee ku sugan waqooyiga iyo gobollada bartamaha ku yaalla.

Hawlgalkan nabbad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa ah midka ugu halista badan muddo tobannaan sano ah, 115 askari oo nabbada ilaalinayay ayaana lagu dilay afar sano gudahood.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa ku dhawaaqay Isniintan in ciidammadan cusub ay noqon doonaan ilaa 10,000 oo askari, booliisna la hawlgalin doono dhammaadka sannadkan.

Mowduucyada la xiriira