Mareykanka: Nin shan qof madaxa ka toogtay markii shaqada laga eryay

John Robert Neumann Lahaanshaha sawirka SEMINOLE COUNTY SHERIFF'S OFFICE
Image caption John Robert Neumann

Nin Maraykan ah oo shaqada laga eryay ayaa dib ugu laabtay warshaddii uu ka shaqaynayay ee eriday isaga oo toogtay shan ka mid ah shaqaalihii ay isla shaqayn jireen ka hor intii uusan isna is dilin, sida ay booliisku sheegeen.

John Robert Neumann oo 45 jir ah oo ku hubaysan qori iyo mindi ayaa galay xarummo ganacsi oo ka agdhaw Orlando, Florida, Isniintii.

Askarigan hore ayaa shaqada laga eryay bishii Abriil, sida ay booliisku sheegeen.

Ma jirto wax tilmaamaya in uu ka tirsanaa koox argagixiso ah ayayna sii raaciyeen.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay baddankood waxaa laga toogtay madaxa, qaarkoodna dhawr xabbadood ayuu ku dhuftay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska ayaa durba gaaray goobta uu shilku ka dhacay

Sheriff Demings oo ah madaxa booliiska Orange County ayaa sheegay in uu gaar u soocday dadka uu toogtay.

Dadka madaxa laga toogtay waxaa ka mid ah Robert Snyder oo 69 jir ah, Brenda Montanez-Crespo oo 44 jir ah, Kevin Clark oo 53 jir ah, Jeffrey Roberts oo 57 jir ah iyo nin kale oo aan la aqoonsanin.

Lahaanshaha sawirka Reuters