US oo ka baaraandagaysa ka bixidda Gudd. QM u qaabilsan xuquuqda aadanaha

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in Mareykanku uu si taxadar leh u eegaya doorkiisa ku aadan Guddigan

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka baaraandageysa ka bixitaanka guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo ay ku eedeysay inuu qaatay tallaabyin " eex ku ah Israa'iil."

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in Mareykanku uu si taxadar leh u eegaya doorkiisa ku aadan Guddigan.

Waxay sheegtay inay "adagtahay in la aqbaloin shan qaraar laga soo saaray Israa'iil oo ay xulafo yihiin, balse xitaa aan hal qaraar laga soo saarin dalalka qaar sida Vanezuela.

Mrs Haley ayaa lagu wadaa inay guddigaasi khudubad u jeediso galinka dambe ee Talaadada.

Maqaal ay Jimcihii ku qortay wargeyska Washington Post ayay ku sheegtay in guddigu uu u baanhan yahay inuu joojiyo sida khaldan ee uu "u doortay inuu si joogta ah u dhaleeceeya Israa'iil"

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay deegaamaynta Israa'iil

Baarlamaanka Israa'iil oo meelmariyay sharci muran dhaliyay

Inkastoo ay ammaantay shaqada uu qabtay guddigu haddana waxay sheegtay in uusan wax weyn ka qabanin cambaareynta Iran, oo ay ku sheegtay inuu yahay dal caan ku ah "ku xadgudubka xuquuqda aadanaha".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay deegaanaynta ay Yuhuuddu ka wadaan Daanta Galbeed

Waxay sidoo kale tusaale u soo qaadatay dalka Venezuela, oo ay ka taagan tahay xasillooni darro siyaasadeed oo daraasiin dibedbaxayaal ah lagu dilay bilihii dhawaa.

Guddigu wuxuu awood u leeyahay oo kali ah inuu amro baaritaanno islamarkaana uu cambaareeyo dalalka uu u arko in laga sameeyay xadgubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bilihii dhawaa, guddigu wuxuu soo saaray dhaleeceyn ka dhan ah dalalka Kuuriyada Waqooyi, Haiti, iyo Myanmar.

Ra'iisalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay ku tilmaamay Guddiga Xuquuqda Aaadanah aee Qaramada Midoobay inuu ku kacay falal Israa''il diid ah inkastoo buu yiri dalkiisu uu yahay kan kaliga ah ee ku yaalla Bariga Dhexe oo dimuqraadi ah.

Sanaddii 2013-kii ayay Israa'iil soo afjartay wadashaqeyntii ay la lahayd guddigan kadib markii uu guddigaasi billaabay inuu baaritaan ku sameeya deegaanaynta ay Yuhuuddu ka wadaan Daanta Galbeed.