Maxay Filibiin u diiday in ay dadkeedu shaqo u doontaan Qadar?

Mashaariicda dhismeyaasha ah ee dalka Qadar ayaa aad ugu tiirsan shaqaalaha ajaaniibta ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mashaariicda dhismeyaasha ah ee dalka Qadar ayaa aad ugu tiirsan shaqaalaha ajaaniibta ah

Dawladda Filibiin ayaa si ku meelgaar ah uga joojisay muwaadiniinteeda in ay shaqo u doontaan Qadar ka dib markii ay dhawr dal oo Carbeed xiriirka u jareen dalkaas Khaliijka ku yaalla.

Qadar waxaa faquuqay dalalkii ay dariska ahaayeen oo ku eedeeyay in ay taageerayaan Malayshiyaadka jihaaddoonka ah iyo Iiraan.

In kabadan labo milyan oo reer Filibiin ah ayaa si sharci ah uga shaqaysta Bariga Dhexe, waxaana lagu qiyaasay in ay Qadar joogaan 140,000 oo kuwaas ka mid ah.

Dawladda Filibiin waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay in xaaladda ka taagan Bariga Dhexe ay saamayso muwaadiniinteeda ka shaqaysta dalka dibaddiisa.

Xoghayaha shaqaalaha ee dawladda Filibiin Silvestre Bello ayaa sheegay in xayiradan ay jiri doonto yan iyo inta laga dhamaystirayo qiimaynta ay ku hayaan xaaladda.

War qoraal ah oo uu soo saaray Talaadadii ayuu ku sheegay in ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in xaaladda halkaasi aysan wanaagsanayn.

Malaayiin qof oo muwaadiniinta Filibiin ah ayaa dalal dibadda ah ka qabta shaqooyin kala ah kalkaayeyaal caafimaad, adeegtooyinka guryaha, shaqaalaha maraakiibta, shaqaalaha dhismooyinka iyo shaqooyin kale.

Bangiga Dhexe ee dalka Filibiin ayaa 26.9 bilyan oo doolar ku qiyaasay lacagta ay dalka dib ugu soo diraan muwaadiniintooda dalka dibaddiisa ka shaqaysa haddii si kale loo dhigana lacagtaasi waxay 10% ka ahayd dhaqaalaha uu dalkaasi soo saartay.