Manchester United oo noqotay kooxda ugu qanisan adduunka

Manchester United ayaa ka badisay Ajax kuna guulaysatay koobka Europa League taas oo ka caawisay in ay dib ugu laabtaan koobka Horyaallada Yurub ee Champions League Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Manchester United ayaa ka badisay Ajax kuna guulaysatay koobka Europa League taas oo ka caawisay in ay dib ugu laabtaan koobka Horyaallada Yurub ee Champions League

Kooxda Manchester united ee ka dheesha horyaalka dalka Ingiriiska ayaa markale hogaanka u qabatay kooxaha kubadda cagta ee ugu qaninsan caalamka.

Manchester united ayaa kaalinta kobaad kala wareegtay kooxda Real Madrid ee dalka Spain, sida ay ku warramayso jariidadda Forbes.

Kooxda United ayaa markale dib u hanatay hogaanka kooxaha ugu qanisan caalamka, waxaana kooxda lagu qimeeyay hanti dhan 3.69 bilyan oo dolarka Mareykanka ah.

Waxaa kaalinta labaad galay kooxda Barcelona ee horyaalka Spain ka dheesha oo hantideeda lagu qiyaasay 3.64 bilyan oo dollar, halka kooxda Real Madrid haysato hanti gaaraysa 3.58 bilyan oo dollar.

Lix kooxod oo ka dheela horyaalka Ingiriiska ee Premier lague ayaa iyaguna jariiradu kusoo warrantay inay kamid yihiin 10-ka kooxod ee kubadda cagta ee ugu qanisan dunida, waxaana kooxahaasi kamid ah Manchester city, Arsenal, Chelsea iyo Liverpool.

Dhanka horyaalka dalka Jarmalka waxaa la sheegay in kooxda Bayern Munich ay gashay kaalinta afaraad halkakooxda Juventus ee dalka Talyaaniga Iyana ay ku jirto kaalinta sagalaad ee tobanka kooxod ee ugu qanisan adduunka.

Kala sareynta kooxaha ee dhanka qiimaha

  • 1. Manchester United $3.69bn (£2.86bn)
  • 2. Barcelona $3.64bn (£2.82bn)
  • 3. Real Madrid $3.58bn (£2.77bn)
  • 4. Bayern Munich $2.71bn (£2.1bn)
  • 5. Manchester City $2.08bn (£1.61bn)
  • 6. Arsenal $1.93bn (£1.5bn)
  • 7. Chelsea $1.85bn (£1.43bn)
  • 8. Liverpool $1.49bn (£1.15bn)
  • 9. Juventus $1.26bn (£976m)
  • 10. Tottenham $1.06bn (£821m)
  • 11. Paris St-Germain $841m (£652m)
  • 12. Borussia Dortmund $808m (£626m)
  • 13. AC Milan $802m (£621m)
  • 14. Atletico Madrid $732m (£567m)
  • 15. West Ham $634m (£491m)
  • 16. Schalke 04 $629m (£487m)
  • 17. Roma $569m (£441m)
  • 18. Inter Milan $537m (£416m)
  • 19. Leicester City $413m (£320m)
  • 20. Napoli $379m (£294m)