Milateriga Nigeria oo iska caabiyay weerar uga yimid Boko Xaraam

Boko Xaraam ayaa waxa ay u dagaalamaysaa inay dowlad Islaami ah ka hirgaliso Nigeria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boko Xaraam ayaa waxa ay u dagaalamaysaa inay dowlad Islaami ah ka hirgaliso Nigeria

Milateriga Nigeria ayaa iska caabiyay weerar ay magaalada Maiduguri ee waqooyi bari ee dalkaasi ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka Boko Xaraam.

Waxa uu ahaa weerarkii weynaa ee ugu horreeyay ee ay Maiduguri ku qaaddo Boko Xaraam tan iyo bilowgii sanadkan 2017-ka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalku uu ka qarxay deegaano u dhow Maiduguri.

Sidoo kale qarax ismiidaamin ah ayaa halkaasi ka dhacay.

Kacdoon wadayaasha Islaamiga ah ayaa weerarkan qaaday wax yar uun ka hor inta uusan gabalka dhicin, xilli Muslimiinta magaaladaasi ay u diyaar garoobayeen in ay afuraan maadama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa ka sheekeeyay waxa ay maqleen, waxayna sheegeen in rasaas culus ay dhagahooda ku dhacaysay taa oo socotay muddo saacad ka badan.

Sawirro muuqaal ah oo aan la ogayn cidda soo duubtay oo la soo dhigay barta twitter-ka ayaa waxaa ka muuqanayay haween iyo carruur ka cararaya goobta uu weeraraka ka dhacay.

Barasaabka gobolkaasi Khasim Shitema ayaa BBC-da usheegay in milaterigu uu iska caabiyay kacdoon wadayaashii weerarka soo qaaday.

Balse xoogaa ka dib waxaa jiray qaraxyo kale oo dheeraad ah oo ka dhacay isla magaaladaasi, waxaana la rumeysan yahay in ay ahaayeen kuwo ismiidaamin ah.

Kacdoonka ururka Boko Xaraam ayaa si weyn u waxyeeleeyay woqooyi bari Nigeria, waxa uuna galaaftay nolasha kumanaan qof halka laba milyan oo qof lagu qasbay in ay ka qaxaan guryahooda.