Goobaha codbixinta UK oo la furay

Goob ka mid ah goobaha ay dadka UK codkooda ku dhiibanayaan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Goob ka mid ah goobaha ay dadka UK codkooda ku dhiibanayaan

Waxaa dadweynaha UK loo furay goobaha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee Britian.

Goobaha ayaa la furay 07:00 BST ee waqtiga maxaliga ee UK, iyadoo in ka badan 40,000 oo goobood oo ku yaal daafaha dalka ay dadku codkooda ka dhiibanayaan.

Codbixinta ayaa socon doonta ilaa 22:00 BST waqtiga maxaliga ah ee UK.

Ku dhawaad 46.9 milyan oo qof oo isu diiwaangeliyay inay codeeyaan ayaa waxa ay dooran doonaa 650 xildhibaan.

Doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday 2015 ayaa waxaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan 46.4 milyan oo qof.

Codbixiyayaasha qoorkood goor hore ayeyba codkooda dhiibteen, oo waxa ay ku soo gudbiyeen boostada, tiradaasna waxa ay u dhigantaa boqolkiiba 16.4 guud ahaan dadkii codkooda dhiibtay doorashadii guud ee 2015.

Dadka u soo baxay doorashadii 2015, markii xisbiga Conservatives-ka uu ku guulaystay 331 ka mid ah 650 kursi, ayaa waxa ay aheyd boqolkiiba 66.4, taas oo ka sarreysay doorashadii 2010.

Doorashadan ayaa ah mid wakhtigeeda laga soo hormariyay oo ay ku baaqday ra'iisalwasaare Theresa May.

Codbixintan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo ka badan labo sano gudahood.

Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay adkeynayaan ammaanka goobaha codbixinta.

Ciidamo hubeysan ayaa la geynayaa goobaha qaar, waxaana arrintaasi loo aaneynayaa weeraradii dhawaan dalkaasi ka dhacay.

Natiijada ugu horreysa ee codbixinta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ka hor 12-ka caawa sakhdi dhexe.