Myanmar: Burburka diyaarad iyo maydad ayaa la helay

Sawir horay looga qaaday diyaaradda Y-8 ee ciidammada cirka ee Myanmar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir horay looga qaaday diyaaradda Y-8 ee ciidammada cirka ee Myanmar

Milateriga Myanmar ayaa sheegay inay heleen burburka diyaarad xamuulka u qaadi jirtay ciidammada cirka ee dalkaasi taas oo ay saarnaayeen 122 qof.

Saddex mayd oo uu ka mid yahay canug yar ayaa sidoo kale la helay.

Maydad iyo burburka diyaaradda ayaa laga helay badda Andaman, milateriga ayaa sidaa ku sheegay bayaan uu soo dhigay Facebook-ga.

Diyaaradda Y-8 ee nooca xamuulka qaada ah oo uu sameeyay Shiinaha ayaa waxaa saarnaa 106 qof oo isugu jiray askar ka tirsan milateriga iyo qoysaskooda oo ay carruur ka mid ahaayeen iyo sidoo kale 14 shaqaalaha diyaaradda ah.

Diyaaradda ayaa u kala gooshaysay inta u dhaxaysa Myeik iyo Yangon, burburkana waxaa laga helay xeebta magaalada Dawei.

Xiriirkii diyaaradda ayaa lumay Arbacadii nusa saac un markii ay hawada ku jirtay.

Sida uu milaterigu sheegay, kooxaha baadigoobka ayaa subaxii Khamiista helay maydka nin, haweeney iyo canug yar iyo sidoo kale shaag, dhowr jaakadood oo kuwa badbaada ah iyo waxoogaa boorsooyin ah.