Jilaa Faransiis ah oo lagu khalday argagixiso

Jilaaga oo raba in uusan dhibin dadka tareenka la socda ayaa doortay in uu suuliga galo si uu ugu soo xifdiyo wixii uu jili lahaa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Jilaaga oo raba in uusan dhibin dadka tareenka la socda ayaa doortay in uu suuliga galo si uu ugu soo xifdiyo wixii uu jili lahaa

Markii qof ka shaqaynaya tareen dheereeya oo marayay Koonfurta Faransiiska uu suuliga ka maqlay erayada "qori" iyo "hub" oo af Ingiriis ah wuxuu is yiri balaayo ayaa dhici doonta.

Arrintan ayaa ku soo aaday maalin uun ka dib markii magaalada Paris lagu fashiliyay weerar la qorshaynayay.

Xaaladda oo aad u kacsan ayayna booliisku tareenka ka soo galeen boosteejada Valence

Laakiin qofka laga shakiyay wuxuu noqday jilaa Faransiis ah oo ku celcelinayay erayadii uu filinka ku jili lahaa si uu u sii xifdiyo.

Tareenka ayaa laga dajiyay isaga oo su'aalo la waydiiyay balse markii dambe waa la sii daayay.

Arrintaasi waxay dhacday Arbacadii ka dib iyadoo tareenkaasi uu ka soo kici timay magaalada Marseille uuna ku sii jeedo caasimadda Paris, sida uu ku warramay websiteka Farance Bleu ee wax ku qora afka Faransiiska.