James Comey: Trump wuu iga been sheegay

Comey oo hortegay guddiga senate-ka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Comey oo hortegay guddiga senate-ka

Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, James Comey ayaa guddiga sirdoonka ee aqalka senateka ee dalka Mareykanka u sheegay in hadalladii xukuumada Trump ay ka sheegtay laanta dembi baarista ee FBI-da ay ahaayeen "been iska cad".

Mr Comey ayaa sidoo kale guddiga senate-ka u sheegay in xukuumada madaxweyne Trump ay ku khaldaneyd in si aan munaasab aheyn ay uga hadashay hey'adda FBI-da iyo hoggaanka hey'adda ba.

Balse madaxweyne Trump ayaa dhankiisa sheegay in marnaba aanu isku dayin inuu hakiyo baaritaanada ku aadan farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii sannadkii hore ka dhacday dalka Mareykanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Comey oo hortegay guddiga senate-ka

Qareenka Madaxweyne Trump Mr Marc Kasowitz, ayaa ku gacan seyray eedeynta loo soo jeediyay madaxweynaha ee aheyd in madaxweyne Trump uu Mr Comey ka dalbaday in uu u noqdo daacad.

Waxaa kale oo uu Mr Comey sheegay in sababta shaqada looga eryay ay aheyd in la doonayay in wax laga bedelo qaabka loo wado baaritaanada ku aadan faragelinta Ruushka.

Guddiga sirdoonka Senate-ka Mareykanka ayaa daabacay caddeyn uu siiyay Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, taas oo uu ku sheegayo in Madaxweyne Trump uu waydiistay inuu faraha ka qaado baaritaanka uu ku hayay lataliyihiisii hore ee dhanka ammaanka.

James Comey, ayaa faafaahin ka bixiyay 5-ta jeer ee ay wadahadleen Madaxweynaha iyadoo markastana uu Trump si ku celcelis ah u dalbanayay inuu daacad u noqdo.

Waxa uu sheegay in Trump uu ku sheegay baaritaanka Ruushka ka dhanka ah "daruur" dul taagan.

Mr Comey ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu saddex jeer u sheegay Trump inuusan cadaadis saarneyn oo uusan xaqiijinayn waxa uu madaxweynuhu arrintan kala socdo.

Qareen u hadlay Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dareemay inuu nadiif yahay kaddib markii Comey uu u caddeeyay in shakhsiyadiisa aanay ku socon wax baaritaan ah