Booliiska Australia oo sameeyay hawlgal dabo socda weerarkii wiilka Soomaaliga ah

150 askari ayaa ka qaybqaatay hawlgalkan Jimcahan Lahaanshaha sawirka ABC
Image caption 150 askari ayaa ka qaybqaatay hawlgalkan Jimcahan

In kabadan 150 askari oo booliiska Australi ah ayaa hawlgallo ka fuliyay saddex guri iyagoo dabo socda weerarkii khasaaraha gaystay ee uu ka dambeeyay wiilka Soomaaliga ah ee Melbourne ka dhacay toddobaadkii hore.

Yacqub Khayre oo hubaysnaa ayaa ayay booliisku toogasho ku dileen Isniintii ka dib markii uu nin dilay, haweenayna afduub, saddex askari oo booliis ahna dhaawacay.

Jimcihii ayaa la xiray wiil 32 jir ah, laakiin booliisku waxay sheegeen in uusan halis ku ahayn ammaanka qaranka.

Hawlgallada ay dawladdu samaysay ayaa la xiriira sida uu khayre ku helay ka hor falkii argagixiso, sida ay xukuumaddu sheegtay.

Booliiska ayaa sheegay in Khayre oo 29 jir ah uu sheegay haddallo la xiriirinaya kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo Alqaaciida intii ay xaaladdiisu taagnayd ee uu gabadha afduubka u haystay.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Labo ruux oo qaangaar ah oo kala ah wiil iyo aabihii ayaa sidoo kale su'aalo la waydiiyay Isniintii.

"Waxaan rabaa in aan caddeeyo, in aannaan wali helin qof aan la xiriirino argagixiso oo ku xirnii ninkii dambiga gaystay," ayuu yiri Shane Patton oo ah taliye xigeenka booliiska Victoria.

Patton ayaa sheegay in xukuumaddu ay baarayso sida uu Khayre ku helay hubka.

Khayre ayaa dilay Kai Hao oo 36 jir ah oo waalidkii ay ku tilmaameen in uu ahaa wiil wanaagsan oo guursaday todobaadyo uun ka hor.