Yurub oo darsaysa natiijada doorashada UK

Doorashada UK Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Xisbina ma aanu helin aqlabiyadda baarlamaanka UK

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa qiimaynaya waxa ay natiijada doorashada Britain ee aanu xisbina helin aqlabiyadda ka bedeli karto wadaxaajoodka uu dalkaasi uga baxayo Midowga Yurub.

Ra'iisul wasaaraha Faransiiska, Edouard Philippe, ayaa sheegay in natiijada aanay bedelin go'aanka dalkaasi uu uga baxayo Midowga Yurub.

Gudoomiyaha miisaaniyadda ee Midowga Yurub, Günther Oettinger, ayaa sheegay in aanu hubin in wadaxaajoodka ay Britain uga baxayso ururkaasi uu billaabmi karo waqtigii loogu talagalay oo ah 19-ka bishan Juun.

Ra'isal wasaaraha Ingiriiska oo saxiixday warqadii dalku kaga baxayey Midowga Yurub

Günther Oettinger ayaa u sheegay idaacad Jarmal ah in haddii kooxda Britain uga qeyb galaysa wadaxaajoodka aanay awood badan lahayn, ay taasi wax u dhimi karto natiijada wadahadalka.

Sidoo kale waxaa suuragal ah in maalmo ama todobaadyo ay qaadato inta uu xisbiga muxaafidka soo dhisayo dowladda cusub.

Nigel Farage oo ka mid ah xubnihii sida weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa sheegay in ra'iisul wasaare Theresa May ay khatar galisay hannaanka bixitaanka, uuna ka cabsi qabo in ay dhacdo afti labaad oo ku aaddan in dalkaasi uu ka baxo Midowga.

Waa maxay heshiiska ay UK ka doonayso Midowga Yurub?