Qiimaha Sterling Pound-ka oo hoos u dhacay natiijada doorashada UK awgeed

Doorashada UK Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qiimaha Pound-ka ayaa hoos u dhacay boqolkiiba laba marka la barbar dhigo doolarka

Qiimaha lacagta Sterling Pound-ka ee Britain ayaa hoos u dhacay ka dib natiijada doorashada aanu xisbina aqlabiyad buuxda ku helin ee ka dhacday dalkaasi.

Qiimaha lacagtaasi ayaa hoos u dhacay boqolkiiba laba marka la barbar dhigo doolarka iyo ku dhawaad intaasoo kale marka loo eego euro-ga, waxaana suuqyada sarifka ay ka walaacsan yihiin hubaal la'aan siyaasadeed oo ka dhalata natiijada doorashada.

Suuqa saamiyada ee ugu weyn London, FTSE 100, ayaa saaka markii uu furmay laga dareemay sare u kac yar, ayadoo shirkadaha ganacsiyada ballaaran ku leh dibedda ay iibsanayeen pound-ka raqiisay.

Ganacsatada ayaa filayay in guul weyn uu gaari doono xisbiga muxaafidka ee ay hogaamiso ra'iisul wasaare Theresa May, balse waxa ay hadda ka walaacsan yihiin hubaal la'aan dhanka siyaasadda ah.

Inkastoo uu xisbiga muxaafidka lumiyay kuraas uu ku lahaa baarlamaanka, ayaa haddana weli waxa uu yahay kan ugu weyn UK.