Boqorka Japan Akihito oo xilka ka degaya

Akihito, Boqorka dalka Japan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Akihito, Boqorka dalka Japan

Baarlamaanka Japan ayaa meelmariyay qodob sharciyeed u ogolaanaya Boqor Akihito inuu xilka isaga dego, isagoo noqon doona boqorkii ugu horreeyay ee muddo 200 oo sano ah sidaas sameeya.

83-jirkan ayaa sanadkii la soo dhaafay sheegay in da'diisa iyo caafimaadkiisa ay adkeeyeen inuu si caadi ah u guto waajibaadkiisa rasmiga ah.

Hasayeeshee ma uusan jirin sharci dalkaa u degsanaa oo u ogolaanayay inuu xilka banneeyo.

Dowladda ayaa haatan bilaabaysa hannaanka qorsheynta iscasilaaddiisa, taas oo la filayo inay dhacdo dabayaaqada 2018-ka, markaa oo uu xilka ku wareejin doono Amiirka dhaxal sugaha ah ee Naruhito.

Akihito, oo laga qalay wadnaha lagana daweeyay kansarka ku dhaca qanjiraha taranka ragga, ayaa boqorka Japan ahaa tan iyo 1989-kii markaa oo uu geeriyooday aabihii, Hirohito.

Khudbad dhif ah oo uu sanadkii hore qaranka u jeediyay, ayuu ku sheegay inuu dareemayo daal taas oo ka dhigaysa mid adag inuu si waafi ah u guto waajibaadkiisa rasmiga ah.

Boqorka ayaa dastuuriyan waxaa ka mamnuuc ah inuu jeediyo hadalo siyaasadaysan, marka uma aanay suuragalayn inuu si cad u qeexo inuu doonayo inuu xilka isaga dego taas oo loo qaadan lahaa inuu sharciga ka hadlay.