Saameyn ka dhalatay weeraro ka dhacay degmada Libooyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameyn ka dhalatay weeraro ka dhacay degmada Libooyo

Todobaabyadii dambe waxaa batay weerarrada loo adeegsaday miinooyinka ee ka dhaca wadooyin ku yaalla gobolka waqooyi bari Kenya, gaar ahaan deegaannada Mandheera iyo Libooyo.

Weerarradaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah iyoo ciidamada Kenya ayaa waxaa ay dowladda ku eedaysay Al-Shabaab.

Miinooyinkaasi wadada la galiyay ayaa keenay in uu go' isu socodka gaadiidka ee deegmada Libooyo, taasi oo saamaysay noolasha dadka ku nool halkaasi.

Bishaar Guure Geedi waa gudoomiyaha Libooyo, waxaana uu xaaladda jirta uga warramay weriyaha BBC Bashkas Jugsoo dhacay oo kula xiriiray khadka telefoonka.