Beeraley ay barakicisay abaarta oo dib ugu laabtay beerahooda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beeraley ay barakicisay abaarta oo dib ugu laabtay beerahooda

Deegaanno ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa ka da'ay roobkii gu'aga, taasoo keentay in beeraleydii gudaha ku barakacay ay billaabaan in ay beerahooda fashaan.

Beeraleydaasi oo u badan kuwa gobolka Baay, ayaa hadda ka cabanaya in roobabkii da'ay aanu ku filnaan beerahooda. Dhanka kale hay'adaha gargaarka ayaa ka digaya in roobka gu'aga aanu Soomaaliya uga di'in sidii la filayay.

Maxamed Sanay Cawad waxaa uu ka mid ahaa dadkii ay abaarta ka barakicisay beerahooda, balse hadda dib ugu laabtay beertiisa oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo.

Khadka telefoonka ayuu ugu warramay weriyaha BBC Faadumo Macallin Abuukar.