Walaac laga muujiyay abaarta ka taagan dalka Itoobiya

Abaarta ka taagan dalka Itoobiya
Image caption Abaarta ka taagan dalka Itoobiya

Dowlada dalka Itoobiya iyo hey'addaha gargaarka ayaa sheegay in raashin loogu talo galay ku dhawaad 8 milyan oo qof oo ay saameysay abaarta ka taagan dalka Itoobiya ay ku egtahay dhamaadka bishan, oo aysan heyn cunno kale oo la siiyo dadkaasi, madaama roobabki la filayay aysan ka da'in dalkaasi.

Waxayna mas'uuliyiinta ay intaa ku dareen in loo baahnayahay dhaqaalo dheeraad ah, waxaana ay walaac ka muujiyeen dhaqaalaha laga helo deeq bixiyaasha.

Agaasimaha hey'adda badbaadada caruurta ee Save the children ee dalka Itoobiya Mr John Graham oo wareysi siiyay wakalaada wararka ee AFP ayaa sheegay in xaalada haatan taagan ay tahay mid halis ah.