France oo dooranaysa baarlamaan cusub

Madaxweyne Macron Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweyne Macron ayaa doonaya in xisbigiisa uu helo aqlabiyadda baarlamaanka

Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa maanta dooranaya xildhibaanno cusub, bil ka dib markii madaxtinimada dalkaasi uu ku gulaystay Emmanuel Macron, oo ku cusub masraxa siyaasadda.

Madaxweyne Macron ayaa rajaynaya in musharraxiinta xisbigiisa La Republique en Marche ay ku guulaysan doonaan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee ka kooban 577 kursi.

Doorashada ayaa ah laba wareeg, waxaana wareegga kale uu dhici doonaa Axada dambe.

Guul uu gaaro xisbiga Macron ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta labada xisbi ee dalkaasi ugu faca weyn, kuwaasoo gaari waayay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore.

Haseyeeshee xildhibaanno tiradoodu kooban tahay ayaa la filayaa in lagu doorto wareeggan koobaad.

Musharraxiinta ku guulaysta in ka badan 50% codadka deegaankooda laga dhiibtay ayaa wareeggan ku noqonaya xildhibaanno, halka kuwa deegaannada kale ee hela in ka badan 12.5% ay u gudbi doonaan wareegga labaad.

Xisbiga madaxweyne Macron oo la sameeyay sanad un ka hor, ayaa doorashadan usoo xushay musharraxiin ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin arday, dad howl-gab ah iyo weliba ciyaartooy.

Macron oo loo dhaariyay madaxweynaha France

Ammaanka dalka oo dhan ayaa la adkeeyay ka dib weerarradii argagixisada ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah ayaa sugaya ammaanka dalkaasi doorashada maanta awgeed.

Jilaa Faransiis ah oo lagu khalday argagixiso