Xisbiga madaxweynaha Faransiiska oo lagu wado in uu guul wayn ka gaaro doorashada

Emmanuel Macron ayaa u baahan aqlabiyad wayn si uu u meelmariyo isbadallada uu doonayo Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Emmanuel Macron ayaa u baahan aqlabiyad wayn si uu u meelmariyo isbadallada uu doonayo

Xisbiga ay siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay ee madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayay u badan tahay in uu guul wayn gaari doono arrintaas oo dabosocota wareeggii koobaad ee doorashada.

Saadaashu waxay muujinaysaa in xisbiga La Republique en Marche iyo xisbiga ay xulafada yihiin ee MoDem in uu ku guulaysan doono 445 kursi oo ka mid ah 577-da kursi ee baarlamaanka qaranka.

Natiijada kama dambaysta ah waxaa go'aamin doona wareega kale ee la qaban doono Axadda soo socota.

Xisbiga Macron ayaa jira in kabadan hal sano qaar badan oo murashaxiintiisa ahna waxay leeyihiin khibrad siyaasadeed oo aad u yar qaarkoodna maba laha wax khibrad ah.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Tirada dadka isugu soo baxay doorashada ayaa aad u hooseeyay

Iyada oo la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtayna xisbiga Macron ee LREM iyo MoDem ayaa ku guulaystay 32.3%

Xisbigii talada Faransiiska soo hayay ee SP ayaa ku guulaystay 7.4%.

Xisbiga ay siyaasaddiisu midigta fog tahay ee FN ayaa isna helay 13.2%,

Waxaase aad u hooseeyay tirada dadka isugu soo baxay doorashada oo ahaa 48.7% halka dadkii isugu soo baxay sannadkii 2012kii ay ka ahaayeen 57.2%.