Xaaska iyo wiilka Trump oo markii koobaad u wareegay Aqalka Cad

Melina iyo Barron ayaa u wareegay caasimadda Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Melina iyo Barron ayaa u wareegay caasimadda

Xaaska madaxweynaha Maraykanka Melania Trump iyo wiilkiisa Barron ayaa u wareegay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka shan billood ka dib markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay.

Xaaska Trump iyo wiilkooda oo 11 jir ah ayaa ku sii nagaa magaalada Ney York si Barron uu u dhamaysto sannad dugsiyeedkiisa.

Qaar ka mid ah dadka ayaa wax layaableh u arkayay maadaama ay xaaskiisu noqotay middii koobaad ee aan isla markiiba u wareegin Aqalka Cad marka laga hadlayo madaxweyne yaashii dhawaa ee dalkan.

Xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Michelle Obama ayaa iyadu horayba ugu sii wareegtay Washington si gabdhaheedu ay durba ula qabsadaan iskuulka cusub.

Sikastaba ha ahaatee Marwada koobaad ayaa u muuqata in ay ku faraxsan tahay u wareegitaanka Aqalka iyadoo oo Twitterka soo dhigtay sawirkan.