Maxkamad mar kale ku gacansayrtay xayiraaddii socdaalka Trump

Dibadbaxyo ka dhan ah go'aanka madaxweyne Trump Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibadbaxyo ka dhan ah go'aankii madaxweyne Trump

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa markale ku guul dareysatay dadaalo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah inay soo galaan wadanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah.

Maxkamad racfaan oo ku taala gobolka San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa ayidday go'aan ay maxkamad horay u gaartay oo ahaa inaan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamadu waxaa kale oo ay sheegtay in dowlada Mareykanka loo ogolaaday inay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Mareykanka.

Waxaa lagu wadaa in kiiskani uu ku dambeyn doono maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.

Xeer ilaa liyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in uusan taageersanayn go'aanka maxkamadda, "weerarradii dhawaan ka dhacay dalka Maraykankana ay xaqiijinayaan in halistu ay tahay mid degdeg ah oo dhab ah".

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibadbaxyo ka dhan ah go'aankii madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen inay soo galaan Mareykanka.

Arrintaasi ayaa dalka Mareykanka ka dhalisay dibadbaxyo lagu diidanyahay go'aanka madaxweyne Trump.