Qatar oo bilowday inay cunno ka keensato dalka Cumaan

Cunno laga daabulayo dalka Cumaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cunno laga daabulayo dalka Cumaan

Dowlada Qatar ayaa sheegtay in haatan ay bilowday inay cunno ka keensato dalka Cumaan si ay u hareer marto xayiraadda ay kusoo rogeen qaar kamid ah wadamada khaliijka.

Maareeyaha dekedaha Qatar ayaa sheegay in toddobaadkii ba sedex mar ay cunno ka keensan doonaan dekedda Sohar ee dalka Cumaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii dalka Sacuudiga oo ah halka ugu badan ee laga keeno cunnada laga isticmaalo dalka Qatar uu xiriirka u jareen dowlada dalkaasi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dekeda Salalah ee dalka Cumaan

Dowladaha Masar, Baxreyn iyo dalka Imaraatka ayaa iyaguna toddobaadkii hore sheegay inay xiriirka u jareen dalka Qatar, kaddib markii ay ku eedeyeen in dalkaasi uu taageero argagixisada, balse dowlada Qatar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana ay sheegtay in xayiraadaha lagu soo rogay dalkeeda uu xadgudub ku yahay qawaaniinta caalamiga.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson ayaa ku booriyay dalalka deriska la ah Qatar inay fududeyaan xannibaada ay saaren dalka Qatar.

Sidoo kale dalka Iran ayaa dalka Qatar u diray diyaarado sida cunno.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar.