Dhisme ku dumay magaalada Nairobi

Qof goobjooge ah ayaa shegay in dhismaha lagusii arkay dildilaac Lahaanshaha sawirka Kenya Red Cross
Image caption Qof goobjooge ah ayaa shegay in dhismaha lagusii arkay dildilaac

Dad lagu qiyaasay 15 ruux ayaa la la'yahay ka dib markii uu dumay dhisme toddobo dabaq ka kooban oo ku yaalla bariga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Hay'adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa Twitterkeeda ku soo qortay in shaqaalaha gurmadka dagdaga ah ay gaareen goobta uu dhibku ka dhacay oo ka agdhaw Embakasi.

Websaytka Star ayaa sheegay in dad badan laga daad gureeyay dhismaha wax yar uun ka hor inta uusan dumin.

Qof goobjooge ah ayaa wargayska u sheegay in dhisamahan laga cawday ka dib markii lagu arkay dildilaac ku dhashay darbiyadiisa.

Afartan iyo sagaal ruux ayaa ku dhimatay dhisme ku dumay Nairobi bishii afraad ee sannadkan ka dib markii uu da'ay roob mahiigaan ah.

Lahaanshaha sawirka Kenya Red Cross
Image caption Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa burburka ka baadi goobaya dad nool
Lahaanshaha sawirka Kenya Red Cross
Image caption Baldoos ayaa gaartay goobta uu dhismuhu ku dumay

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan