Jermalka: Nin gabar booliis ah qori ka xoogay oo dhibaato gaystay

Hawlgal wayn oo booliis ayaa la fuliyay Lahaanshaha sawirka .

Askariyad ka tirsan booliiska dalka Jermalka ayaa madaxa xabbad lagaga dhuftay ka dib markii uu nini ka xoogay qorigii ay wadatay iyada oo ku sugnayd magaalada Munich.

Gabdha booliiska ah oo 26 jir ah ayuu soo gaaray dhaawac halis ah labo ruux oo kale oo iguna taagnaa boosteejada tareennada ee Unterföhring S-Bahn ayay dhaawacyo sahlan soo gaareen, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa dhaawacay ninkan qoriga qaatay oo hadda la hayo, booliisku waxay sheegeen in uusan fal argagixiso ahayn.

Booliis aad u badan ayaa ka hawlgalaya Unterföhring waxaana albaabada loo laabay khadadkii tareenka.

Laakiin booliisku waxay sheegeen in aysan jirin halis kale oo bulshada ku soo leh.

Ninka ayaa riday ugu yaraan shan xabbadood, dhaawac sahlan ayaa isna gaaray ka dib markii ay booliisku rasaas ku rideen haddana su'aalo ayaa la waydiiniyaa.

Telefeshinta German n-tv ayaa sheegay ninkanu uu yahay 37 jir Jermalka u dhashay oo reer Munich ah.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliis aad u hubaysan ayaa durba gaaray goobta uu shilku ka dhacay