Lix ruux oo ku dhimatay dab qabsaday dabaq dheer oo London ku yaalla

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaalkan ayaa muujinaya dabka oo ku sii fidaya dhismaha oo dhan

Lix ruux ayaa ku dhimatay dab qabsaday dhisme 24 dabaq ah oo London ku yaalla, booliiskuna waxay sheegayaan in ay sii kordhikarto dhimashadu.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaaray lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

45 gawaarida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay "mid wayn".

Image caption Dadka ka kacay Grenfell Towe
Image caption Booliisku waxay sheegeen in ay jiraan dad ay dhaawacyo soo gaareen oo la daweeyay
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaale caafimaad oo si khaas ah loo tabobaray ayaa loo diray goota uu dabku qabsaday
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waxaa qiiqa laga arki karaa goobo dhawr kiilo mitir u jira dhismaha gubanaya