'Weerarrada Raqqa dad badan baa ku dhimanaya'

Tobannaan kun oo shacab ah ayaa ku barakacay dagaalka Raqqa Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tobannaan kun oo shacab ah ayaa ku barakacay dagaalka Raqqa

Dambibaareyaal dagaal oo ka socda Qarammada Midoobay ayaa sheegay in ay dad "badan ku dhimanayaan" duqaymaha xagga cirka ah ee ka socda magaalada Raqa oo xulafada Maraykanku ay ku bartilmaameedsanayaan malayshiyaadka isku magacaaba Dawladda Islaamka.

Diyaaradaha dagaalka ayaa gacan siinaya dagaalka lagu hayo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo toddobaadkii hore ay billaabeen xulafo ka kooban dagaalameyaal Kurdiyiin ah iyo kuwo Carab ah.

Intaas wixii ka dambeeyayna ciidammada SDF ayaa la wareegay deegaammo dhanka galbeedka, bariga iyo waqooyiga ah.

Dagaalkan ayaa horseeday in ay haddaba guryahoodii ka qaxeen 160,000 oo shacab ah.

Xulafada ayaa sheegtay in qabsashada Raqqa ay dhirbaaxo wayn ku noqon doonto kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo khilaafo ku dhawaaqday 2014kii, bilo uun ka dib markii ay magaaladaas la wareegeen.

Saddex kun ilaa afar kun oo malayshiyo ah ayaa la rumaysan yahay in ay ku jiraan gudaha Raqa.

Lama hubo tirada shacabka ee malayshiyaadka la go'doonsan, laakiin hay'adda IRC ayaa dhawaan tirada ku qiyaastay 200,000.