Waa maxay shirweynaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socda?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka isku daalnaye maxaa inoo dan ah oo maalintii labaad galay

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad galay shirweynaha wadatashiga qaran ee hannaanka dib u heshiisiinta oo lagu eegayo gunta khilaafaadka Soomaalida u dhexeeya iyo sida xal loogu helo karo.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu martiqaaday wakiilo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ka kala yimid gobolada dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aden oo tagay xarunta uu shirkaasi ka socdo, ayaa waraystay wasiirka arimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaanno Juxaa, wuxuuna marka hore weydiiyay nuxurka shirkani uu xanbaarsanyahay.