Trump oo la baarayo in uu hor is taagay caddaaladda

Robert Muller oo ah dacwad ooge madaxbannaan ayaa dusha kala socda baaritaanka Ruushka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Robert Muller oo ah dacwad ooge madaxbannaan ayaa dusha kala socda baaritaanka Ruushka

Robert Mueller oo ah dacwad ooge khaas ah ayaa baaraya macquulnimada in madaxweyne Donald Trump uu hor istaagay caddaaladda, sida ay ku waramayso warbaahinta Maraykanka.

Waxay sheegeen in saraakiisha sare ee sirdoonka la waydiin doono in Trump uu isku dayay in la soo afjaro baaritaankii lagu hayay lataliyihiisii ammaanka qaranka ee shaqada laga eryay.

Qareennada madaxweyne Trump ayaa sheegay in macluumaadkan u dambeeyay ee warbaahinta lala wadaagay uu yahay mid aad looga xishoodo.

Mueller ayaa dusha kala socda baaritaan ay waddo hay'adda dambibaarista Maraykanka ee FBI oo ku saabsan in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka ee sannadkii 2016kii iyo in Trump uu wax lug ah ku lahaa arrintaas.

Madaxweyne Trump ayaa ku celceliyay in aysan jirin wax calaaqaad ah oo dhexmaray isaga iyo Ruushka, baaritaanka hadda socdana wuxuu ku tilmaamay "quraafaad".

Warkan u dambeeyay waxaa markii hore daabacay wargeyska Washington Post, intaas ka dibna waxaa iyanana qoray the New York Times iyo Wall St Journal

Wargeyska Washington Post ayaa Arbacadii sheegay in go'aanka uu Muller ku baarayo dhaqanka madaxweyne Trump uu yahay mid bog cusub u furaya baaritaanka oo markii hore Ruushka oo kali ah diiradda saarayay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxay ka dhigantahay baaritaanka lagu hayo madaxweyne Trump