Qadar oo 12 bilyan oo doolar diyaarado dagaal uga iibsaneyso Mareykanka

F-15s (file photo) Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dowladda Qadar ayaa heshiis uu ku baxayo kharash gaaraya 12 bilyan oo doolar la saxiixatay dowladda Mareykanka.

Lacagtaasi ayaa dowladda Qadar waxa ay Mareykanka uga soo iibsaneysaa diyaaradaha dagaalka ee F-15.

Heshiiskaasi ayaa lagu gaaray kulan magaalada Washington ku dhex maray wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis iyo dhiggiisa Qadar, waxa uuna ku soo beegmayaa maalmo uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dalka Qadar oo ay xulufo yihiin uu ku eedeeyay in uu maalgeliyo argagixisada.

Dowladda Qadar ayaa beenisay dhammaan eedeymahaasi.

Waddamada kale ee Khaliijka ayaa dhawaan xiriirka u jaray dalka Qadar, waxa ayna ku eedeeyeen in ay xasilooni darro ka abuureyso gobolka, maadaama sida ay sheegeen ay taageerto kooxaha xagjirka ah isla markaana ay xiriir la leedahay dalka Iiraan.

Dalka Qadar ayaa waxaa ku yaala saldhigga ugu weyn ee ciidamada cirka ee Mareykanka ee gobolka Bariga Dhexe.

Saldhiggaasi ayaa waxaa ku sugan qiyaastii 10,000 oo askari, waxa uuna door muhiim ah u leeyahay hawlgalka uu Mareykanka hoggaamiyo ee ka dhanka ah kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Hadalka madaxweyne Trump ayaa u muuqda mid liddi ku ah waaxda gaashaandhigga dalkiisa oo maalmo ka hor dowladda Qadar ku ammaantay in ay ka go'antahay xasilloonida gobolka.

Sucuudiga Carabiya oo sidoo kale xulufo la ah Mareykanka ayaa horraantii bishan hormuud ka ahayd tallaabo lagu go'doominayo waddanka Qadar oo qani ku ah gaaska dabiiciga ah.

Xukuumadda Riyaad ayaa xirtay xudduudaha ay la leedahay Qadar, waxayna sidoo kale hawada dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha shirkadda duulimaadyada ee Qadar.

Waddamada Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ayaa iyagana xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalkaasi Qadar.

Mas'uul u dhashay dalka Qadar ayaa sheegay in heshiiska dalkiisa uu Mareykanka uga soo iibsanayo diyaaradaha dagaalka ay caddeyn u tahay in laamaha dowladda ee Mareykanka ay iyaga la dhinac jiraan.

Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Qadar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xukuumadda Dooxa ay durbaba iibsatay 36 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmayo usbuucyo uun kaddib amrkii dowladda Mareykanka ay heshiis kale la saxiixatay dalka Sucuudiga, kaasi oo Sucuudiga u ogolaamnaya in uu Mareykanka ka iibsado hub uu ku kacayo kharash gaaraya 100 bilyan oo doolar.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay boqorka Sucuudiga in uu "arrintan xalliyo isla markaana uu muujiyo hoggaankiisa"

Xilli ay isa sii tareyso xiisadda u dhaxeysa Qadar iyo waddamada kale ee Khaliijka ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, waxaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago dalka Kuweyd.

Socdaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa qayb ka ah dedaalada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka waddamada Khaliijka kala dhaxeeya Qadar.

Madaxweynaha Turkiga ayaa aad u taageeray Qadar, waxa uuna go'doominta Sucuudiga ay hormuudka ka tahay ku tilmaamay mid ka baxsan aadanaha isla markaana aan waafaqsanayn mabaa'diida Islaamka.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa baarlamaanka dalka Turkiga waxa uu ansixiyay qorshe ciidamo loogu dirayo dalka Qadar, arrintaa oo loo arkay in ay ka dhigan tahay in Turkiga uu miijinayay in uu garab taagan yahay Qadar.

Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale shixnado raashin ah u soo dirtay dalka Qadar oo inta badan ku tiirsan cunnada uu ka soo dhoofsado dalka Sucuudiga.

Dowladda Kuweyd ayaa dhankeeda waxa ay wadday dedaal lagu soo afjarayo khilaafkan hareeyay waddamada Khaliijka.