Australia oo ku dhawaaqday cafis qaran oo dhanka hubka ah

Waxaa lagu qiyaasay in ay Australia yaalaan 260,000 oo hub sharcidarro ah Lahaanshaha sawirka Reuters

Dawladda Australi ayaa markii u horaysay soo saartay cafis qaran oo dhanka hubka ah tan iyo sannadkii 1996dii, sababtuna waxay tahay halista argagixisada iyo hubka sharcidarrada ah ee ku sii qulqulaya dalkaas.

Inta lagu gudo jiro muddadaas saddexda billood ah oo ka billaabanaysa 1 Juunyo, dadka haysta hubka aan sharciyaysnayn ayaa soo wareejin kara iyaga oo aan ka baqaynin in maxkamad la soo taago, sida ay dawladdu sheegtay.

Dadka la qabto iyaga oo qori sharci darro ah haysta wakhti ka baxsan muddadaas waxay mutaysan karaan ganaax gaaraya 280,000 oo doolar ama 14 sano oo xabsi ah.

Waxaa lagu qiyaasay in ay Australia yaalaan 260,000 oo hub ah oo aan dawladda u diiwan gashanayn.

Wasiirka caddaaladda ee Australia Michael Keenan ayaa la filayaa in uu maanta ku dhawaaqo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qorshahan cusub ee dawladda.

"Waxaan ku jirnaa wakhti ammaanka qarankeennu uu sii xumaanayo" ayuu yiri goor sii horaysay.

Australia oo adkaynaysa jinsiyad bixinta

Australia oo lagu eedeeyay xadgudub ka dhan ah qaxootiga

Australia ayaa go'aankan cafiska qoryaha oo kale qaadatay sannadkii 1996dii ka dib markii ay toogasho ka dhacday Port Arthur.

Martin Bryant oo weerarkaas gaystay ayaa dilay 35 ruux oo ku sugnaa magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Tasmania.

Sannadihii u dambeeyay dawladdu waxay sheegaysay walaac sii koraya oo ku saabsan halis argagixiso oo ay macquul tahay in ay ka dhacaan dalkaas.

Bishii hore waxay dawladdu sheegtay in weerarkii ka dhacay Melbourne ee lagu dilay ninka hubaysan ay ula dhaqmayso sidii mid aragagixiso.

Sannadkii 2014kiina afduub ka dhacay makhaayad ku taalla magaalada Sydney ayaa soo dhamaaday iyadoo ay ku dhinteen saddex ruux oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ee dadka afduubka u haystay.