Xisbiga Madaxweyne Macron oo aqlabiyadda baarlamaanka helay

Madaxweyne Macron oo codkiisa dhiibanya Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweyne Macron oo codkiisa dhiibanya

Xisbiga madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay aqlabiyadda baarlamaanka, sida ay muujinayso natiijadu, toddobaadyo ka dib markii uu guul ka gaaray doorashadii madaxweynenimada.

Iyada oo la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtayna xisbigiisa La République en Marche iyo xisbiga MoDem ee ay xulafada yihiin ayaa ku guulaystay 300 kursi oo ka mid ah 577 kursi ee ay ka kooban yihiin xildhibaannada dalkaasi.

Caddadka kuraasta uu ku guulaystay ayaa ka hooseeya kii la filayay, iyada oo dadka codkooda dhiibtay ay ka hooseeyaan kuwii 2012kii.

Xisbiga madaxweynaha ayaa lagu dhawaaqay sannad ka hor.

Kalabar musharaxiinta xibsigan ayaa ah kuwa ku cusub masraxa siyaasadda waxayna kasoo jeedaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin arday, dad howl-gab ah iyo weliba ciyaartooy.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad ka soo jeeda qaybaha kala duwan ee bulshada oo siyaasadda ku cusub ayaa xildhibaanno noqday

Aqlabiyaddan baarlamaanka ee uu helayna waxay ka caawin doontaa in uu higaliyo isbadallada uu doonayo in uu u horseedo Faransiiska.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog, Marine le Pen ayaa ku guuleysatay kursi barlamaan markii ugu horeysay.waxayna sheegtay in xisbiga Macron u ku guuleystay aqlabiyadda barlamaanka balse fikradiihisa ay yihiin kuwa aan laga tixgilinaynin dalka Faransiiska.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha xisbiga midigta fog, Marine le Pen ayaa ku guuleysatay kursi barlamaan markii ugu horeysay