Arday cilmibaaris ka sameeyay abaaraha iyo sicir bararka Somaliland ka dhaca
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Arday cilmibaaris ka sameeyay abaaraha iyo sicir bararka Somaliland

Arday ka socota qaar ka mid ah jaamacadaha Somaliland ayaa sameeyay cilmibaaris ay ku eegayaan bal waxa sababa abaaraha iyo sicir bararka ka dhaca Somaliland.

Ardaydan ayaa dowlada u gudbiyay daraasado ay sameeyeen oo ay ku bandhigayaan caqabadaha jira iyo xalka looga bixi karo,

Ruwayda Cabdiraxman Axmed Gaas waxay ka socotay jaamacada Nugaal oo magaalada Laascaanood ku taala, qadka telefoonka ayay ugu warrantay weriyaha BBC Cabdirisaaq Catoosh.