Maxkamad xukun dil ah ku riday ninkii dilay wasiirkii Howlaha Guud

Wasiir Lahaanshaha sawirka Cabbaas/facebook

Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sido ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysanayaashii loo heystay dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Marxuum Cabbaas Siraaji.

Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad ayaa xukunka dilka ku riday Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid.

Maxkmadda ayaa sheegtay inay dhageysatay caddeymo ku filan oo muujinayo in Xasan uu toogasho ku dilay marxuun Siraaji 31-kii bishii May ee sanadkan.

Aaas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii Howlaha Guud

Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre oo isna ahaa eedeysane kale ayay maxkamadda xukuntay in la sii daayo.

Cusmaan iyo Xasan waxay ilaale u ahaayeen hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo isna xilkiisa ku waayay dhacdadaasi.

Dilka Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirkii ugu da'da yaraa golaha wasiirada ayaa dhalisay caro balaaran.

Hanti dhowrka Guud oo ilaaladiisu ay ku lug lahaayeen dilka wasiirka ayaa isagana xilka laga qaaday.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaal ku saabsan dilka wasiir Cabaas