Sacuudiga oo gacanta ku dhigay Askar Iiraaniyiin ah

Ciddamada ilaalada xadka ee sacuudiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciddamada ilaalada xadka ee sacuudiga

Wasaarada Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in la xiray saddex askari oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan.

Askartan la xiray ayaa lagu qabtay iyagoo u soo dhowaaday biyaha dalka Sacuudiga gaar ahaan ceelka saliida ee Marjan.

Sacuudiga waxaa uu intaasi raaciyay in ragan la qabtay ay damacsanaayeen inay falal gaystaan.Waxayna wateen doon la sheegay inay ku soo dhowaatay ceelka shidaalka ee Marjan,

Waxaa sidoo kale baxsatay doon kale oo la sheegay inay la socotay middan la qabtay, Balse dowladda Iiraan ayaa sheegaysa in doomahan la qabtay ay ahaayeen kuwo kaluumaysi.

Waxaa jirra khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labadan dowladood ee Iiraan iyo Sacuudiga.