Trump oo cambaareeyay Kuriyada Waqooyi ka dib markii uu dhintay arday

Otto Warmbier ayaa sawirkan laga qaaday bishii Saddexaad ee sannadkii 2016 isaga oo maxkamad la soo taagay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Otto Warmbier ayaa sawirkan laga qaaday bishii Saddexaad ee sannadkii 2016 isaga oo maxkamad la soo taagay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Kuuriyada Waqooyi ugu yeeray "dilaa arxan daran" ka dib markii uu dhintay arday Maraykanka u dhashay oo halkaas ku xirnaa in kabadan 15 billood.

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadkii hore Maraykanka ku celisay Otto Warmbier oo 22 jir ah, iyada oo sheegtay in uu miyirkiisu daboolnaa muddo sannad ah ayna banii'aadannimo u hayeen wakhtigaas.

Waalidkii waxay sheegeen in lagula kacay "jirdil aad u xun".

Warmbier oo la xiray isaga oo isku dayaya in uu xado calaamad borobogaando ah oo hotel taalay ayaan ka soo noqonin miyir daboolankii ku dhacay.

Trump ayaa sheegay "in waxyaabo xunxun oo badan ay ku dhaceen" Warmbier, wuxuuna intaas ku daray in ugu yaraan uu gurigii waalidkii ku soo laabtay, iyaga oo aad ugu farxay inkastoo uu xaalad xun ku sugnaa.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in geerida Warmbier ay sii xoojinayso xalkii "ay kaga hortagi lahaayeen in masiibooyinkaas oo kale ay dad aan waxba galabsanin ka soo gaaraan gacmaha xukuumad aan ixtiraamin sharciga iyo sharafta aasaasiga ah ee aadanaha.

Lahaanshaha sawirka Danny Gratton
Image caption Otto Warmbier oo bartanka ku jira ayaa safar Kuuriyada Waqooyi gudaheeda ah ku jiray marka uu sawirkan galay