Askar shaqaale gargaar kufsaday oo lagu maxkamadeynayo Suudaanta Koonfureed

Saddex iyo tobankan askari ayaa lagu maxkamadeeyay maxkammada milatariga ee magaalada Juba Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saddex iyo tobankan askari ayaa lagu maxkamadeeyay maxkammada milatariga ee magaalada Juba

Magaalada Juba ee caasimadda u ah Suudaanta Koonfureed waxaa maanta dib uga billaabanaya maxkamadaynta askar lagu eedeeyay in ay kufsadeen shan ruux oo ajaaniib ah oo ka shaqaynayay samofalka iyo in ay dileen weriye maxali ah.

Dilka iyo Kufsiga la sheegay ayaa dhacay xilli la weerayay hotel Terrain oo ku yaal Juba.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayau ku qiratay in ciidamadooda nabad ilaalinta ay ku guul dareysteeen difaacidda shacabka.

Saddex iyo tobankan askari ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Milatariga oo gaareyay inta u dhaxeysa 80- ilaa 100, kuwaa oo weeraray hoteelka Terrain bishii toddobaad ee sannadkii hore, weerarka ayaa socday in ka badan afar saac, waxayna dileen weriye maxali ah, waxayna sidoo kale kufsadeen ayaga oo koox ah shaqaale gargaar oo ajaaniib ah.

Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay 15 askari u kufsadeen taas oo lagu tilmaamay tacadigii ugu xumaa ee ka dhan ahaa shaqaalaha gargaarka ee dalkaasi ku sugan.

Shaqaalaha gargaarka ayaa ku eedeeyay ciidammada Qaramada Midoobay in ay diideen ka jawaabidda dalab caawimaad oo ay u dirsadeen, inkastoo ay joogeen meel hoteelka u jirta hal mile ama wax ka yar labo kiiloo mitir.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii kaw iyo tobnaad ee sannadkii hore ayaa lagu taageeray eedaymahaas, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayna wuxuu shaqada ka eryay taliyahii ciidammadaas.

Weerarkan ayaa dhacay ayada oo ciidammada dowladda ay isku dhaceen fallaagada uu hoggaamiyo Riek Machar ee ku sugan Juba.

Tobanaan kun oo qof ayaa dhintay halka malaayiin ay barakaceen tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ee dhiiga badan ku daatay, uu dalkaasi ka dilaacay in kabadan saddex sano iyo bar ka hor.