Kumanaan Rayid ah oo lagu dilay dalka Kongo

Khariidad

Kaniisada mad-habta Kaatoligga ee dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Kongo ayaa sheegtay in 9kii bilood ee ugu danbeeyayay ciidamada amaanka iyo malayshiyaadka ka soo horjeeda in ay gobolka bartamaha Kasai ku dileen in ka badan saddex kun oo qof.

Qaramada midoobe ayaa horay u sheegtay in boqolaal qof ay ku dhinteen dagaaladaasi.

Kaniisadda mad-habta kaatoliga ayaa warbixinteeda ku salaysay macluumaad ay ka heshay bulshooyiinka ku dhaqan gobolka bartamaha Kasai.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ugu yaraan 3,383 qof lagu dilay dagaal u dhaxeeyay ciidammada amaanka iyo maleeshiyaad.

Sidoo kale waxaa warbixnta lagu xusay in gabi ahaanba la burburiyay 20 tuulo taas oo kalabar ay ciidammada dowladdu burburiyeen.

Guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay todobaadkan u codeeyeen in baaritaan madax bannaan lagu samaynayo rabshadahani iyo in kale.

Xukuumadda Kongo ayaa sheegtay in ay diidi doonto baaritaannadaasi.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa sannadkii hore ku barakacay gobolka ay colaadu ka socoto.

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in aysan ku filnayn gargaarka banii'aadannimo ee goobtaas la gaarsiiyay.