Dalka Afrikada Dhexe oo mar kale uu dagaal ka qarxay

ciidamadda nabad ilaalinta Qaramada midoobe ayaa roondo ka sameeyo xeryaha si ay ammniga u sugaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption ciidamadda nabad ilaalinta Qaramada midoobe ayaa roondo ka sameeyo xeryaha si ay ammniga u sugaan

Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Jamhuuriyada Afrikaada dhaxe maalin uu ka dib markii heshiis xabad joojin ah ay kala saxiixdeen dowlada iyo kooxaha mucaaradka.

Maalintii Talaadada ayay ahayd markii xabad joojin lagu saxiixay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ee u daxeeysay xukuumada Bartamaha Jamhuuriyadda Afrika iyo kooxaha falaagada ah ee dalkaasi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Heshiiskan waxaa garwadeen ka noqday kaniisada katooliga

Xabad joojinta oo si dhaqsa ah u dhaqangeleysay ayaa waxay dhabaha u xaareysaa in mucaaradka laga qeybgeliyo geedi-socodka nabadda iyo siyaasadda, si ay iyaguna rabshadaha u soo afjaraan.

Heshiiskan waxaa garwadeen ka noqday kaniisada katooliga waxaana looga gollahaa in lagu soo afjaro mudo dhowr sano ah oo ay dalkaasi ka socdeen rabshado ku salaysan Diimaha.