Macallimiinta gobol Maraykanka ku yaalla oo la hubaynayo

Macallimiinta iskuullada Colorado oo shiish baranaya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Macallimiinta iskuullada Colorado oo shiish baranaya

Macallimiinta gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa loo tababaray in ay hubka ku dhex qaataan fasallada dhexdooda si ay ugu difaacaan ardayda.

Arrintan ayaa dabosocota xasuuqii ka dhacay iskuul halkaasi ku yaala, sannadkii 2012.

Tababarkan oo qaadan doona muddo saddex maalmood ah ayaa ka kooban adeegsiga hubka iyo tababar dhanka caafimaadka ah, waxaana si rasmi ah xariga looga jaray talaadadii aan ka soo gudubnay.

Toddobo iyo toban xubnood oo ka mid ah shaqaalaha danaynaya in loo tixgaliyo in ay noqdaan dadka hubaysan ee durba ka jawaaba halista iskuullada soo foodsaarta ayaa ilaa iyo hadda ka qaybqaatay barnaamijkan.

Barnaamijkan tijaabada ah ayaa dadka mutadawiciinta ah u ogolaanaya in ay iskuulada la galaan hubka taasi oo hoos imaanaysa sharciga qaadashada hubka qarsoon.

Macallimiintan ayaa laga qaaday tijaabo dhanka toogashada ah oo ay ku sameeyeen degaanka Weld oo u dhaw Denver, halkaasi oo lagu tijaabiyay awoodda ay u leeyihiin qaadashada hubka.

Barnaamijkan ayaa lagu qaadanayaa tababaro la xiriira dhanka ammaanka iyo ka jawaabidda xaaladaha degdega ah.

Waxaa arrintan iska kaashanaya waalidiinta,ciidammada ammaanka iyo khubaro caafimaad oo rumaysan in iskuullada ay yihiin bartilmaameed u jilicsan in weeraro lagu qaado.

Tababaradani ayaa la sheegay in aysan ahayn kuwo badalaya hawlaha ay qabtaan booliiska iyo laamaha ammaanka, balse waa mid u ogolaanaya macallimiinta iyo maamulayaasha in ay ka hortagaan in ay si dhakhso ah u faafaan rabshadaha lagula kaco iskuulada, iyo in ay gargaar caafimaad oo degdeg ah bixin karaan marka loo baahdo.

Kooxdani ayaa la isku dubariday ka dib markii bishii Desembar ee 2012 uu nin hubaysan ku dilay 26 qof iskuulka hoose dhexe ee Connecticut.