Maraykanka: Ruushka ayaa 'u dhacay' hannaankii doorashada ee 21 gobol

Codbixiyasha Maraykanka oo codkooda ka dhiibanaya doorashadii Madaxweynanimo Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Codbixiyasha Maraykanka oo codkooda ka dhiibanaya doorashadii Madaxweynanimo

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa u sheegtay aqalka Congress-ka in ay hayso cadaymo muujinaya in burcadda internetka Ruushka ay bartilmaameedsadeen nidaamka doorashada Maraykanka ee 21-ka gobol ee doorashadii madaxtinimada ay ka dhacday sannadkii la soo dhaafay.

Jeanette Manfra oo madax ka ah waaxda ammaanka ee internetka ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay hufnaanta doorashada Maraykanka laakiin waxay qirtay in waxdeeda aysan tijaabo ku samayn qalabka codaynta.

Hay'adda dambi baarista gudaha Maraykanka ee FBI-da ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynaysa isku-deygii Ruushka uu ku sameeyay inuu farageliyo doorashada iyo xiriirka ka dhaxeeyay Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo iyo guddiga ololaha Trump