Milatariga Ciraaq ayaa sheegay in IS ay gubtay masaajidkii ugu waynaa Mosul

Masjiid Al-nuuri Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Masjiid Al-nuuri

Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda isku magacawda Dawladda Islaamku ay gubtay masaajid wayn oo ku yaalla magaaladda Mosul. Masaajidkan ayaa lagu magacaabaa Al-Nuri waxaana sidoo kale la gubay goobihii waxbarashada ee masjidka.

Masaajidkan ayaa ahaa halkii looga dhawaaqay magaca ay isugu yeeraan kooxdaasi ee Khilaafada Islaamka.

Kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa iyadu sheegaysa in masjidkan ay gubeen diyaarada Maraykanka maalinnimadii shalay ahayd.

Taliye ka tirsan ciidanka Ciraaq ayaa sheegay inay tallaabooyin uun ay u jiraan misaajidka.