Trump: darbiga Maksiko korontaan ka dhalin doonaa

Donald Trump ayaa ku celceliyay in uu darbigan dhisi doono intuu uu ku jiray ol'olahii doorashada Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Donald Trump ayaa ku celceliyay in uu darbigan dhisi doono intuu uu ku jiray ol'olahii doorashada

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay taageerayaashiisa in gidaarka uu qorsheeyey in laga dhiso xadka Maksiko (Mexico) laga yaabo in lagu xiro qalab korontada ka dhaliya tamarta qorraxda.

Isagoo hadal ka jeedinaya fagaare ku yaalla Iowa ayuu sheegay in qalabkaasi dhalin doonaan koronto qiimaheedu jabanyahay isla markaana marka la iibiyo laga heli doono kharashka lagu dhisay gidaarka muranka dhaliyey.

Wuxuu sheegay in qorshuhu yahay mid uu isagu hindisay wuxuuna yiri "waa hindise aad u fiican, soo ma aha? Hagaag? Firkadda anaa leh".

Haseyeeshee qalabkan korontada ka dhalinaya qorraxda waxaa mar hore lagu daray naqshadaha ay soo gudbiyeen shirkadaha doonaya in ay u tartamaan qandaraaska dhismaha.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump ayaa sheegay in uu isagu la yimid hindisahan

Intii uu ku jiray ol'olihii doorashada ayaa Trump wuxuu balan qaaday inuu gidaar ka dhisi doono soohdinta Maksiko (Mexico) si loo joojiyo soo galootiga sharci darrada ah iyo dadka sharci darrada ku soo galiya maan dooriyaha.

Waxaa kale oo uu ku adkaystay inuu Maksiko ku dirqiyi doono in ay bixiso kharashka gidaarkaa lagu dhisayo laakiin Madaxweyne Enrique Penea Nieto ayaa fikraddaa ku gacan sayray.

In ka badan 200 oo shirkadood ayaa sida la sheegay soo codsaday qandaraas ay naadisay Wakaaladda Nabadgelyada Qaranka oo soo gudbiyey nashqadaha gidaarka ay dhisayaan.

Waxaa ka mid ah shirkad laga leeyahay Las Vegas oo la yidhaa Gleason Partners oo qorshadeed ay ka mid yihiin la dhiso gidaar ka samaysan xadiid, sibidh oo qalabka korontada tamarta qoraxda ka dhaliya lagu rakibo.