Gabdhaha Tanzania oo loogu baaqay in ay kala doortaan iskuulka iyo hooyonimo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa lagu yaqaannaa in uusan haddalka la ganin

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa sheegay in gabdhaha ciyaal iskuulka ah ee uurka yeesha aan loo ogolaan doonin in ay ku soo laabtaa waxbarashada marka ay ilmo dhalaan, arrintaasna ay jiro doonta inta uu madaxweynaha yahay.

Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka sheegay isu soo bax dadwayne oo uu ku qabtay magaalada Chalinze oo 100 kiilo mitir dhanka galbeedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Dar es Salaam.

Madaxweyne Magufuli ayaa ku sababeeyay in markii la damco in xisaab laga shaqeeyo ay gabdhuhu dhihi doonaan macalin aan naaska soo nuujiyo ilmaha".

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ninkii uureeya gabadh ciyaal iskuul ah lagu xukumo 30 sano oo xabsi ah, tabartii uu ku uureeyayna uu ku falo beeraha inta uu xabsiga ku jiro.

"Hay'adduhu iskuul ha u dhisaan waalidka, dawladdana yaysan ku qasbin in ay ardayda soo celiyaan.

"Waxbarasho bilaash ah ayaan hadda siinayaa ardayda ay ka go'antahay in ay waxbartaan, haddana ma waxaad doonaysaan in aan waalidka waxbaro" ayuu intaas ku daray madaxweynuhu, dadkii ayaana sacabeeyay.

Ugu yaraan 8,000 oo gabdhood ayaa sannadkaste uur dartii uga baxa iskuullada, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.