Shan iyo labaatan ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan

Qarax Lahaanshaha sawirka AFP

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo ka dhacday suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalada waqooyi galbeed Parachinar ee dalka Pakistan.

Xildhibaan maxali ah ayaa BBC-da u sheegay in qaraxan uu dhacay iyadoo ciidammada ammaanka ay isku dhaceen dad careysan oo ka dibad baxayay xaalada amni xumo ee waddanka.

Booliiska ayaa sheegay in labada qarax ee Parachinar ay isku mar ka dhaceen meel goob gaadiidka dadweynaha laga raaco oo ku dhaw suuqa Parachinar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa Shiica. Inta badan dadka gobolka Parachinar ayaa ka soo jeeda Shiicada tirada yar ee Pakistan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaraxa ka dhacay Parachinar waa kii saddexaad oo sanadkan gudihiisa dhaca

Saacado ka hor, ayaa qarax kale oo ay ku dhinteen 13 qof oo kale waxa uu ka dhacay magaalada Quetta.

Qaraxaasi Jimchihii ka dhacay Quetta ayaa waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dagaalyahannada laba kooxood oo kala duwan.

Ilaa iyo hadda ma jirto sharraxaad la xiriirta sababta ay labada kooxood ee Daacish iyo Taalibaan u sheegteen in ay ka dambeeyaan weerarkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in inta badan dadka qaraxaasi ku dhintay ay ahaayeen booliis.