Shir ku saabsan arrimaha qaxootiga oo Uganda lagu soo gabagabeeyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan arrimaha qaxootiga oo Uganda lagu soo gabagabeeyay

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa lagu soo gabagabeeyay shir labo maalmood ka socday oo ku saabsanaa in Uganda la garab istaago oo gacan laga siiyo qaxootiga faraha badan ee dalkeeda ku soo qulqulaya. Dalalka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Soomaaliya oo wafdi ka socday uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba doorka ay Soomaaliya ku lahayd shirkaasi ayaa Faaduma Macallin Abuukar waxay ka wareysatay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah madaxa warfaafinta xafiiska madaxweynaha.