London: Boqolaal guryo oo laga saaray dadkii degganaa

BBC

In ka badan 800 oo guryo ah oo ku yaalla degmada Camden, ee waqooyiga London, ayaa dadkii deganaa laga saaray iyadoo sabab looga dhigay badqabkooda.

Waxay ka dambeysay dabkii ka kacay dhismo ku yaalla waqooyiga London oo ay dadka badani ku dhinteen.

Dowladda hoose ee Camden ayaa sheegtay in dadka deggan shan guri oo ka tirsan shan dabaq oo ku yaalla deegaanka Chalcots iyagana laga saari doono dhawaan.

Derbiyada iyo safiitooyinka dhismayaasha dadka laga saaray ayaa la sheegay inay la mid yihiin kuwa dhismihii Grenfell Tower ee gubtay.

Dowladda UK oo baaritaanno ku sameysay daaraha dhaadheer ee dabka u nugul

Guud ahaan 79 qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kaddib dabkii dhismaha Grenfell.

Dowladda hoose ayaa sheegtay inay baaritaan joogto ah ku sameyn doonto dhismayaasha si ay u hubiso badqabka dadka deggan.

Shaqada baaritaannada guryaha ayaa la filayaa inay qaadato muddo saddex ilaa afar toddobaad ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wiil Soomaali ah oo ka badbaaday dabka