140 qof oo lagu la’ yahay buur kusoo duntay Shiinaha

Deegaanka Xinmo Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kooxaha gurmadka ayaa raadinaya dad nool oo ku hoos jira dhagxaanta

In ka badan 140 qof ayaa la la' yahay ka dib buur kusoo duntay deegaan ka tirsan gobolka Sichuan ee koonfur-galbeed Shiinaha, sida ay ku waramayso warbaahinta dowladda dalkaasi.

Ku dhawaad 40 guri ayaa ku burburay deegaanka Xinmo, ka dib markii ay kusoo jabtay buur halkaa ku taal saqdii dhexe ee Jimcaha.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad nool uga soo hoos saari lahaayeen dhagxaanta kasoo jabay buurta.

Lamaane iyo canug yar ayaa laga soo badbaadiyay goobta, ka dib markii ay kooxaha gurmadka xargo iyo cagaf ku jiideen dhagxaan ay ku hoos jireen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in buurta duntay ay xirtay laba kilo mitir oo ka mid ah webi halkaa mara.

Roob xooggan oo deegaankaasi ka da'ay ayaa la rumaysan yahay inuu dhaliyay musiibadan.

Deegaannada buuraleyda ah ee Shiinaha ayaa waxaa ku badan shilalka noocan ah, gaar ahaan marka uu roobka da'o.

Sanadkii 2008, dhulgariir ku dhuftay gobolka Sichuan ayaa waxaa ku dhintay 87,000 oo qof.