Shiinaha oo “dhexdhexaadinaya” Pakistan iyo Afghanistan

Pakistan iyo Afghanistan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Billihii dambe waxa uu khilaaf u dhexeeyay Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka arimaha dibedda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa gaaray caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan, safarkaasi oo lagu tilmaamay mid xukuumadda Beijing ay ku dejinayso xiisadda u dhexeysa Pakistan iyo Afghanistan.

Mr Wang ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo Islamabad.

Shiinaha ayaan si gaar ah uga hadlin ujeedada booqashada wasiirka, balse waxa uu sheegay in uu uga gol-leeyahay wanaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah.

Bilihii lasoo dhaafay, Pakistan iyo Afghanistan ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weerarro badan oo ay geysteen ururada xagjirka ah, waxaana kordhay carada dadweynaha ee ku aaddan dhiiga daadanaya.

Kabul iyo Islamabad ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu taageero ururada weerarrada la beegsada.

Shiinaha ayaa sanadihii dambe ahaa awood si weyn uga dhex muuqda, waxaana dadaalkan loo arkaa mid uu ku ballaarinayo galaangalkiisa siyaasadeed ee Koonfurta Aasiya.